Home Warar Ciyaaraha Maanta Man City oo guul ku bilaabatay difaacashada premier League iyaga oo garaacay...

Man City oo guul ku bilaabatay difaacashada premier League iyaga oo garaacay chelsea.

0

Kooxda Man City ayaa guul ku bilaabatay difaacashada premier League iyaga oo garaacay chelsea.

Xaalka chelsea ayaa ku bilowday sidii uu ku dhamaaday xilli ciyaareedkii hore iyada oo kooxdu aad u liidato.

Inkasta oo uu is badal weyn ka dhacay uguna horeeyo tababaraha hadana chelsea ayaa ah chelsea-dii xilli ciyaareedkii hore.

Man City ayaa ku fiicnayd dhinaca weerarka iyada oo halis galinaysay daafaca Blues kuwaas oo ku dhibaatooday in ay madaxa kor u qaadaan.

Daqiiqadii 18-aad ayay chelsea dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay Erling Haaland kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Chelsea ayaa samaysay fursado wax ku ool ah laakiin waxa ay ku dhibaatoonayeen in ay fursadaha gool u badalaan.

Qaybtii dambe ayay labada kooxood sii wadeen dadaalo kala duwan iyada oo koox walba doonaysay in ay dhaliso gool.

Daqiiqadii 84-aad ayay Man City hurdo dheer u dirtay ciyaarta waxana gool 2-aad u dhaliyay Mateo Kovacic oo diiday in uu ku dabaal-dago kooxdiisii hore.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City badisay isla markaas chelsea u muuqato kuwo aan waxba dhaamin sidii xilli ciyaareedkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here