Man City oo isha ku heysa weeraryahanka AC Milan ee Rafael Leao

Manchester City ayaa isha ku heysa weeraryahanka AC Milan Rafael Leao .

Khabiirka suuqa kala iibsiga ee Talyaaniga Nicolo Schira ayaa ku warameysa in City ay xiiseyneyso xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal.

Milan ayaa doonaysa in ay xiddiga ku fasaxdo wax ka yar 70 milyan oo euro.

Kooxda ayaa u soo bandhigtay Leao heshiis dhacaya 2026 isaga oo kor u qaaday mushaharkiisa ilaa 4.5 milyan euro.

Milanese-ka ayaa hore u diiday in uu xidiga Portuguese-ka ka iibiyo PSG .

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*