Home Suuqa Kala iibsiga Man City Oo Ku Hanjabtay Inay Barcelona Ka Afduubanayso Xidiga Reer...

Man City Oo Ku Hanjabtay Inay Barcelona Ka Afduubanayso Xidiga Reer Spain ee….

0

Waxaad u maleysa in Manchester City ay ku hartay hardankii iyo dagaalkii saxiixa xiddiga Spain.

City ayaa ka go’an inay la saxiixato Dani Olmo ka hor dhamaadka suuqa kala iibsiga inkastoo kooxda ku ciyaarta Etihad Stadium ay walaac joogto ah ka qabaan kalsoonida xiddiga RB Leipzig sababo la xiriira rikoorkiisa dhaawaca.

Isagoo Sky Blues ku hogaamiyay rikoor taariikhi ah oo markii afraad oo isku xigta Premier League ay kor u qaadeen, tababare Pep Guardiola ayaa dajiyay himilooyinkiisa sidii uu u xoojin lahaa kooxdiisa si uu u hubiyo in markale loo caleemo saaro horyaalnimada markii shanaad oo isku xigta.

Savinho ayaa noqday saxiixii ugu horeeyay ee Manchester City suuqa kala iibsiga xagaagan markii uu dhameystiray 30.8 milyan oo ginni oo uu kaga soo wareegay Troyes horaantii bishaan, laakiin qorshooyin ayaa la dejiyay si loo hubiyo in garabka reer Brazil uusan aheyn kaliya saxiixooda, balse ay jiri doonan saxiixyo kale.

Manchester City ayaa wali wada isku dayga axiixa Olmo iyadoo Guardiola iyo agaasimayaasha ka shaqeeynaya daaha gadaashiisa ay yihiin kuwa aad ula dhacsan.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee hal-abuurka leh, ayaa dhacay heshiiskiisa Leipzig horraantii bishan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here