Home Warar Ciyaaraha Maanta Man City oo Man United kuna guulaystay tartanka Community Shield

Man City oo Man United kuna guulaystay tartanka Community Shield

0

Kooxda Man City ayaa garaacday Man United kuna guulaystay tartanka Community Shield-ka kadib kulan lagu kala badiyay rikoodhayaal.

Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay labada kooxood isku awood ahaayeen.

Man United ayaa si fiican u difaacatay waxana ay Man City u diiday in ay goolkeeda si dhib yar ku gaadho.

Kooxda Pep Guardiola ayaa ku fashilantay in ay soo taabato ama tijaabiso Goolka Man United ilaa daqiiqadii 87-aad.

Man United ayaa dhinceeda ciyaaraysay ciyaar orod ah iyaga oo qaadayay weeraro rogaal celis ah.

Kooxda Erik Ten Hag ayaa heshay fursado cajiib ah oo uu ka mid ahaa fursad uu Rashford birta hoose ku dhuftay kubada.

Man United ayaa daqiiqadii 82-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Alejandro Garnacho kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Man City ayaa bilowday in ay raadiso goolka bar-baraha si ay ciyaarta ugu soo laabtaan.

Daqiiqadii 89-aad ayay Man City dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Bernardo Silva.

Waxa ay labada kooxood isla aadeen rikoodhayaal si ay ugu kala baxaan kulanka.

Man City ayaa ku badisay rikoodhayaal 7/6 waxana ay sidaas ugu guulaystay koobka Community Shield-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here