Man City oo Sharuud ku xirtay in xidiga Ake ka iibiso kooxda Chelsea

Manchester City ayaan iibin doonin Nathan Ake ilaa ay la soo saxiixato badalkiisa.

Telegraph ayaa sheegeysa in City aysan ka fiirsan doonin inay fasaxdo Ake xagaagan iyadoo aan la soo safan bedelkiisa.

Ake waa ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee ay bartilmaameedsato Chelsea iyadoo milkiilaha cusub Todd Boehly uu doonayo inuu mar kale u tartamo hanashada horyaalka Premier League

Kooxda ka dhisan Galbeedka London ayaa wadahadalo kula jirta City qiimaha Raheem Sterling iyadoo weeraryahanka uu tijaabiyay qorshaha Thomas Tuchel.

Chelsea ayaa kalsooni ku qabta inay Ake ku soo celin doonto Stamford Bridge – halkaasoo uu ku soo galay xirfad ahaan ka hor inta uusan si rasmi ah ugu biirin Bournemouth.

Waxay u baahan yihiin daafacyo dhexe ka dib markii ay arkeen Antonio Rudiger iyo Andreas Christensen oo beeca xorta ah kaga tagaya xagaagan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*