Taageerayaasha Manchester City ayaa rajeynayay in fasaxa caalamiga ah ee bisha November ay siin doonto qaar ka mid ah xiddigaha waaweyn ee kooxda fursad ay uga soo kabtaan dhaawacyada.
Guardiola oo heshiis cusub u saxiixay kooxda ayaa ku shaqaynayay xiddigo yar iyada oo kooxdu la dhibaatoonayso dhaawacyo.
Xiddiga khadka dhexe ee Mateo Kovacic ayaa ah xiddigii ugu dambeeyay ee dhaawac soo gaadho xiddigaha Man City.
Jimcihii ayuu Guardiola xaqiijiyay in uu Mateo Kovacic garoomada ka maqnaan doono muddo isla markaas uu garoomada ka maqnaan doono.
Wararka ayaa sheegaya in uu Kovacic maqnaan doono ugu yaraan 3 todobaad ama muddo hal bil ah sabab la xidhiidha dhaawaca.