Home Warar Ciyaaraha Maanta Man City Oo Xasuuqday Ipswich iyo Haaland oo Wacadaro Dhigay

Man City Oo Xasuuqday Ipswich iyo Haaland oo Wacadaro Dhigay

0

Kooxda Man City ayaa sii wada bilowgeedii fiicnaa ee premier League iyaga oo garaacay kooxda Ipswich Town.

Kooxda Ipswich ayaa ka naxsatay Man City iyaga oo daqiiqadii 7-aadba dhaliyay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Samie Szmodics kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Laakiin Man City ayaa daqiiqadii 12-aadba soo laabatay waxana u dhaliyay Erling Haaland kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Xiddiga khadka dhexe ee Kevin De Bruyne ayaa daqiiqadii 14-aad dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta waxana uu ka dhigay 2/1.

Haaland ayaa daqiiqadii 16-aad dhaliyay goolka 3-aad waxana uu ciyaarta ka dhigay 3/1 ay kooxdiisu ku hogaaminayso.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta iyada oo City wax walba ku fiicnayd.

Daqiiqadii 88-aad ee qaybta dambe ayuu Haaland dhamaystiray saddexleydii waxana uu ciyaarta ka dhigay 4/1.

Waxa ay ciyaartu ku dhamaatay 4/1 ay Man City ku gaadhay guusheedii 2-aad oo xidhiidh ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here