Home Horyaalka Germalka Man United iyo Arsenal oo baacsanaya Leon Bailey ee garabka ugu ciyaara...

Man United iyo Arsenal oo baacsanaya Leon Bailey ee garabka ugu ciyaara Bayer Leverkusen

0

Man Utd iyo Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay labaduba indha indheyn doonaan weeraryahanka kooxda Bayer Leverkusen Leon Bailey inta lagu guda jiro kulanka Europa League ee ay la ciyaarayaan Slavia Prague halkaasoo uu dhaliyay labo gool.

23 jirkaan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah la qaadanayay kooxdiisa Jarmalka intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2020-21, isagoo shabaqa soo taabtay shan jeer isla markaana lix caawin sameeyay 14 kulan oo tartamada oo dhan ah.

Bailey ayaa in muddo ah lagu xamanayay inuu u dhaqaaqayo Premier League, sida laga soo xigtay Daily Mail, indha indheeyayaal ka socda labada kooxood ee Arsenal iyo United ayaa si dhow ula socday qaab ciyaareedkiisa Europa League kulankii ay 4-0 kaga badiyeen Slavia Prague.

Warbixinta ayaa soo jeedineysa in Everton iyo Tottenham Hotspur sidoo kale la rajeynayo inay indha indheeyeen weeraryahanka kahor inta aan la gaarin 2021.

Leverkusen ayaa ku jirta boos fiican marka laga hadlayo mustaqbalka xiddiga reer Jamaica iyada oo kooxda reer Jarmal heshiis ay kula jirtay ku ekaan doono xagaayga 2023.

23 jirkaan weerarka ka ciyaara oo inta badan ka ciyaara garabka midig, ayaa ku guuleystay inuu shabaqa soo taabto 29 jeer, waxaana uu caawiye ka ahaay 21 kale tan iyo markii uu yimid Bay Arena isagoo ka yimid kooxda reer Belgian ee Genk bishii Janaayo 2017.

Arsenal iyo Man Utd ayaa sidoo kale doonaya inay xoojiyaan dhabarkooda isla markaana isha ku hayaan inay u dhaqaaqaan daafaca dhexe ee Barcelona Samuel Umtiti.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here