Home Horyaalka Ingiriiska Man United Oo Diyaar U Ah Inay Amaah Ku Fasaxdo Facundo Pellistri.

Man United Oo Diyaar U Ah Inay Amaah Ku Fasaxdo Facundo Pellistri.

0

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay u furan tahay fikirka ah in amaah ku fasaxdo Facundo Pellistri  ka hor dhamaadka bisha Janaayo.

19 jirkaan ayaan weli ciyaarin kulankiisii ​​ugu horeysay ee Red Devils tan iyo markii uu ka yimid Penarol bishii Oktoobar laakiin wuxuu ku lug yeeshay sideed jeer kooxda 23 jirada iyo 21 jirada.

Pellistri, oo dhawaanahan aan la heli karin sababo coronavirus ah, ayaa shabaqa soo taabtay seddex jeer kooxdiisa cusub, oo ay ku jiraan labo jeer Premier League 2 kulankii Southampton ee xidigaha ka hooseeya 23.

Sida laga soo xigtay Manchester Evening News , United ayaa dooneysa in da ‘yarku uu helo talaabo joogta ah oo heer sare ah madaama uu sii wado horumarkiisa.

Natiijo ahaan, warbixinta ayaa sheeganeysa in kooxda 20-jeer heysata horyaalka Ingariiska ay diyaar u tahay inay amaah ku siiso qeybta labaad ee xilli ciyaareedka 2020-21.

Pellistri, oo inta badan ku shaqeeya garabka midig, ayaa dhaliyay labo gool isla markaana diiwaan geliyay afar caawin 37 kulan oo uu u saftay Penarol ka hor inta uusan u dhaqaaqin kooxda Ole Gunnar Solskjaer sanadkii hore.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here