Home Wararka Ciyaaraha Maanta Man United oo dooneysa inay ka afduubato heshiiska Liverpool Ibrahima Konate?

Man United oo dooneysa inay ka afduubato heshiiska Liverpool Ibrahima Konate?

0
Photo/Reuters

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay kula tartanto Liverpool saxiixa daafaca RB Leipzig Ibrahima Konate xagaagaan.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa la rumeysan yahay inay u aqoonsatay ciyaaryahanka reer France saxiixa macquul ah suuqa soo socda, inkastoo agaasimaha isboortiga Leipzig Markus Krosche uu dhawaan ka hadlay wararka sheegaya inuu u wareegayo Anfield.

Si la mid ah Liverpool, Ole Gunnar Solskjaer ayaa sidoo kale doonaya inuu la soo saxiixdo daafac dhexe oo cusub xagaagan Konate ayaa sidoo kale ah xiddig kale oo lagu soo daray liiskooda bartilmaameedyada.

Bartilmaameed United ee daafaca dhexe ee aasaasiga ayaa ah Pau Torres iyo Jules Kounde  laakiin sida laga soo xigtay Eurosport , United ayaa diirada saareysa Konate.

21 jirkaan ayaa kooxda reer Jarmal waxa ay ku qiimeysaa 34 milyan ginni, waxaana loo ogolaan doonaa kaliya inuu ka tago kooxda hadii dalab sax ah la sameeyo.

Konate, oo dhaawac ka qaba canqowga intiisa badan xilli ciyaareedkan, ayaa saftay 10 kulan oo Bundesliga ah, isagoo dhaliyay hal gool ciyaar ay 3-0 kaga badiyeen Freiburg bishii November.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here