Home Warar Ciyaaraha Maanta Man United oo guuldaro kala kulantay kooxda Brighton

Man United oo guuldaro kala kulantay kooxda Brighton

0

Man United ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Brighton kulankoodii 2-aad ee horyaalka premier League.

Kooxda Man United aya la garaacay kadib kulan xiiso lahaa oo ka tirsanaa premier Legaue.

Brighton ayaa ahayd kooxda fiican dhinaca fursadaha xilli ay Man Unitd lafteedu heshay fursado dhawr ah.

Daqiiqadii 32-aad ayay Brighton dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Danny Welbeck kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Man United ayaa isku dayday in ay dhaliso goolka bar-baraha waxana ay samaysay dadaalo badan oo ay ku doonayso gool.

Laakiin waxa 1/0 ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Brighton ahayd kooxda fiican.

Qaybtii dambe ayay Man United si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay keenaan bar-baraha.

Man United ayaa daqiiqadii 60-aad dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Amad Dialo kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Labada kooxood ayaa sii waday dadaal ay ku doonayeen goolal kale oo ay ciyaarta ka dhaliyaan.

Daqiiqadii 73-aad ayay Man United dhalisay gool Laakiin waxa diiday VAR Sabab la xidhiidha Offside.

Kooxda Brighton aya wadnaha jartay taageerayaasha Man United iyaga oo daqiiqadii 90+5-aad dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United la kulantay guuldaradii ugu horaysay ee horyaalka premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here