Home Suuqa Kala iibsiga Man United oo ku sii dhawaanaysa saxiixeedii 3-aad ee suuqa kala iibsiga...

Man United oo ku sii dhawaanaysa saxiixeedii 3-aad ee suuqa kala iibsiga xagaaga.

0

Kooxda Man United ayaa ku sii dhawaanaysa saxiixeedii 3-aad ee suuqa kala iibsiga xagaaga.

Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay go’aamisay wakhtiga ay tijaabada caafimaadka marsiinayso saxiixeeda 3-aad.

Xiddiga Noussair Mazraoui ayaa qarka u saaran in uu ku biiro kooxda Man United suuqa kala iibsiga xagaaga.

Sida laga soo xigtay Santi Aouna, Man United ayaa tijaabada caafimaadka marsiin doonta xiddiga Noussair Mazraoui.

Isla saxafiga ayaa sheegaya in uu Noussair Mazraoui xitaa ka qayb gali karo kulanka ay Man United la ciyaarayso Man City.

United ayaa Axada dambe la ciyaari doonta Man City kulan ka tirsan tartanka Community Shield-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here