Home Suuqa Kala iibsiga Man United oo lagu Wargaliyay inaysan u soo bixi doonin champions League

Man United oo lagu Wargaliyay inaysan u soo bixi doonin champions League

0

Daafacii hore ee Paul Parker ayaa sheegay in ayna Man United u soo bixi doonin champions League hadii ay la soo saxixdaan xiddiga Sander Berge.

Red Devils ayaa si aad ah ugu fiirsanaysa in ay la soo saxiixato xiddiga Burnley ee Berge oo 26 jir ah.

Man United ayaa loo sheegay in ay bixiso 30 milyan oo euro hadii ay doonayso saxiixa Berge sida laga soo xigtay The Sun.

Parker ayaa u sheegay Man United in ayna u dhaqaaqin saxiixa xiddiga khadka dhexe isaga oo tilmaamay in uu Berge laba jeer ka hadhay premier League isaga oo u ciyaaraya Burnley iyo Sheffield United.

Daafacii hore ee Parker ayaa aaminsan in ay Man United ka hadhi doonto boosaska champions League hadii ay la soo saxiixdaan Berge.

“Sander Berge laba jeer ayuu ka hadhay premier League”ayuu Parker yidhi.

“Waxa uu horyaalka ka hadhay isaga oo u ciyaaraya kooxaha Sheffield United iyo Burnley”.

“Laba jeer oo xidhiidh ah, ma ahan xiddig nasiib wanaagsan, hadii ay United la soo saxiixato waxa ay ka hadhi doontaa boosaska champions League”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here