
Man United ayaa rajaynaysa inay talaabo u qaado dhinaca Finalka Carabao Cup kulanka lugta hore ee afar dhammaadka tartankaas ee ay caawa booqanayso dhigeeda Nottingham Forest.
Kulankan ka dhacaya City Ground ayaa imanaya xilli Forest ciyaarihii ugu dambeeyay ee horyaalka ay kusoo jirtay qaab ciyaareed wanaagsan oo ka fiican sidii hore.
Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor
Nottingham waxa ka dhaawacan goolhaye Dean Henderson walow uusan marka horeba kahor tageen kooxda uu amaahda kaga soo maqan yahay ee Man United, sidoo kale waxa dhaawacyo ka qaba Omar Richards, Giulian Biancone, Moussa Niakhate, Cheikhou Kouyate iyo Taiwo Awoniyi.
Dhinaca Man United waxa ka maqnaan doona Diogo Dalot, Van De Beek iyo Anthony Martial halka Jadon Sancho wali uusan diyaar ahayn.
Shaxaha Macquulka Ah
Nottingham (4-3-1-2): Hennessey; Aurier, Worrall, Boly, Lodi; Mangala, Danilo, Freuler; Scarpa; Johnson, Gibbs-White
Man United (4-2-3-1): de Gea; Wan-Bissaka, Varane, Martinez, Malacia; Casemiro, Fred; Antony, Bruno Fernandes, Rashford; Weghorst
Xogta Kulanka
Tartanka: Carabao Cup
Garoonka: City Ground
Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Michael Oliver
Be the first to comment