The Mirror ayaa warinaysa in waxqabadka Bergmann ee kooxda reer Sweden IFK Norrkoping ay soo jiidatay indhaha qaar ka mid ah kooxaha ugu waa weyn Yurub ka hor suuqa kala iibsiga ee 2021 Janaayo.
Isla qodobka ayaa sheegaya in Manchester United ay isha ku heysay da’yarka Iceland sanadkii la soo dhaafay ama wixii ka dambeeyay qaab ciyaareedkiisii ​​fiicnaa ee horyaalka Sweden.
Isla sheekadaas ayaa sheegeysa in Juventus ay qorsheyneyso dalab ay ku dooneyso inay kula soo saxiixato 17-jirkan bisha Janaayo laakiin kooxda ka dhisan Serie A-da ayaan weli la jaan qaadin qiimaha ay dalbaneyso IFK Norrkoping.
The Mirror ayaa daaha ka qaaday in IFK Norrkoping ay doonayo £ 5m oo lagu daray lacag dheeraad ah oo gaareysa 5m.