Home Suuqa Kala iibsiga Man United oo U Dhaqaaqaysa Martin Zubimendi

Man United oo U Dhaqaaqaysa Martin Zubimendi

0

Baacsiga Manchester United ee ku aadan ciyaaryahan cusub oo khadka dhexe ah ayaa sii socda, iyadoo kooxda lagu soo waramayo inay u aqoonsatay Real Sociedad khadkeeda dhexe Martin Zubimendi mid macquul ah.

Zubimendi ayaa wacdaro ka dhigay xilli ciyaareedkii hore Sociedad, isagoo u saftay 31 kulan oo La Liga ah, waxaana uu u dhaliyay afar gool iyadoo kooxda Basque ay xaqiijisatay booskeeda Europa League xilli ciyaareedka soo socda.

Kubadsameeyahan ayaa sidoo kale soo bandhigay muuqaalo tayo leh oo uu ku soo bandhigay ololihii guusha ee Euro 2024 ee Spain, isagoo kor u qaaday xiisaha kooxaha sida  Barcelona iyo Arsenal.

Iyadoo Gunners si weyn loola xiriirinayay 25 jirkaan, isla markaana aysan ka quusan soo xero gelinta xiddigan, United ayaa haatan si lama filaan ah kusoo gashay tartanka.

United ayaa laga yaabaa inay u dhaqaaqdo haddii saxiixiisa hadii ay ku guuldareystaan bartilmaameedkooda koowaad ee Manuel Ugarte.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here