Home Horyaalka Ingiriiska Man United oo u dhaqaaqi doonta saxiixa Raphael Varane hadii uu sameeyo...

Man United oo u dhaqaaqi doonta saxiixa Raphael Varane hadii uu sameeyo arinkan

0

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay u dhaqaaqi doonto Raphael Varane xagaagan haddii daafaca dhexe uu muujiyo inuu diyaar u yahay inuu ka tago Real Madrid .

Varane ayaa si joogta ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Old Trafford sanadihii la soo dhaafay waxaana loo maleynayay inuu ku dhawaaday inuu ka tago kooxdiisa.

Xiddiga reer France ayaa la joogay Madrid 10 xilli ciyaareed, laakiin qandaraaskiisa ayaa dhacaya dhamaadka 2021-22 waxaana laga yaabaa inuu diyaar ku biirisan koox cusub.

Shabakada reer Spain ee Mundo Deportivo ayaa soo jeedineysa in United ay si dhow ula socoto xaalada Varane isla markaana ay diyaar u yihiin inay miiska saaraan hadii uu diyaar noqdo.

Isla warbixintaas ayaa tilmaameysa in Paris Saint-Germain ay sidoo kale xiiseyneyso saxiixa 27 jirkaan, halka United ay si aad ah u xafiiltamaan Liverpool dhawaanahan lala xiriirinayay .

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here