Home Wararka Ciyaaraha Man United oo wadahadalo kula jirta weeraryahanka Kooxda Stuttgart ee Sasa Kalajdzic

Man United oo wadahadalo kula jirta weeraryahanka Kooxda Stuttgart ee Sasa Kalajdzic

0
Ad

Manchester United ayaa wadahadalo la gashay weeraryahanka Stuttgart ee Sasa Kalajdzic .

Xiddiga reer Austria ayaa door muhiim ah ka ciyaaray kooxdiisa xilli ciyaareedkii hore isaga oo dhaliyay 6 gool 15 kulan oo uu ciyaaray Bundesliga si uu uga caawiyo Stuttgart in ay uga fogaato in ay ka harto horyaalka Bundesliga.

Ad

Inkastoo uu ilaashaday booska ay kooxdiisu kaga jirto heerka sare, Kalajdzic ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo garoonka Mercedes-Benz Arena, iyadoo qandaraaskiisu uu dhacayo xagaaga soo aadan.

Sida laga soo xigtay Sky Sports News , Manchester United ayaa xiiseyneysa saxiixa weeraryahanka iyagoo doonaya inay ku xoojiyaan kaalinta seddexaad ee ugu dambeysa.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Red Devils ay durba la yeelatay wadahadalo ay kaga hadlayaan suurtagalnimada in la soo wareego, inkastoo aysan jirin wax dalab ah oo loo gudbiyay 25-sano jirkaan.

Previous articleJohn Terry oo ka jawaabay su’aalo ay kamid tahay ciyaaryahanka ugu adag ee kahor tagay waayihiisa ciyaareed ee quruxda badnaa.
Next articleChelsea oo badalka Raphinha u aragta xiddiga Bayern Munich Serge Gnabry.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here