Man United oo wadahadalo la qaadatay xiddiga No.10 ee reer Turkey

Photo Federico Tardito/Insidefoto insidefoto.

AC Milan ayaa wadahadalo heshiis ah la furtay laacibkeeda Hakan Çalhanoglu iyadoo isku dayaysa inay u kordhiso qandaraaska uu haatan kula joogo kaasoo dhacaya xagaaga dambe. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Turkiga ayaa markii ugu horeysay ku soo biiray Rossoneri isagoo ka yimid kooxda Bayer Leverkusen sanadkii 2017 markaas oo ay kooxda reer Talyaani ku iibsatay £ 20m.

Tan iyo markii uu yimid Talyaaniga, wuxuu ciyaaray wadar ahaan 143 kulan wuxuuna si toos ah ugu lug lahaa 67 gool tartamada oo dhan. Si kastaba ha noqotee, inkastoo seddex sano oo uu ku guuleystay San Siro, Calhanoglu ayaa loo saadaaliyay inuu ka dhaqaaqi doono kooxdiisa Serie A.

Sheegashadii ugu dambeysay ee ka soo baxday weriyaha caanka ah Christian Falk ayaa dhalisay hadal heyn ku saabsan in 26 jirkaan kubadd sameeyaha ah uu diyaar u noqon karo inuu si lama filaan ah ugu dhaqaaqo Man United ka dib markii uu shaaca ka qaaday in weeraryahanku uu ‘90% fursad u haysto’ inuu ku biiro Red Devils. Kubadd sameeyaha Turkiga wuxuu u wareegay Tiyaatarka Riyooyinka.

Si kastaba ha noqotee, saldhigga Man United ayaa shaaca ka qaaday in Red Devils aysan wax xiiso ah u qabin inay lasoo wareegto Hakan. Sheegashada Stretty waxaa hada taageeray saxafiga caanka ah ee Fabrizio Romano kaas oo soo gudbiyay xog soo jeedinaysa in Paolo Maldini uu xaqiijiyay in Hakan iyo Rossoneri ay ku jiraan wadahadalo lagu kordhinayo qandaraaska weeraryahanka.

Hakan waligiis kuma bilaaban doono dhexda isaga oo ka horeeya Bruno Fernandes halka Pogba iyo van de Beek ay u muuqdaan xulashooyin ka fiican, Solskjaer ayaa leh Rashford iyo Martial oo ay u adeegsadaan garabka bidix hadii uu doonayo ciyaaryahan lugta midig.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*