Home Suuqa Kala iibsiga Man United oo wali ku dhibaatoonaysa in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga daafaca...

Man United oo wali ku dhibaatoonaysa in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara Bayern Munich ee Noussair Mazraoui.

0

Kooxda Man United ayaa wali ku dhibaatoonaysa in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara Bayern Munich ee Noussair Mazraoui.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegay sababta ayna Man United wali u dhamaystirin saxiixa xiddiga Noussair Mazraoui.

Kooxda Man United ayaa wakhti hore heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga daafaca ka ciyaara ee Noussair Mazraoui.

Sidoo kale Man United iyo Bayern Munich ayaa wakhti hore ka heshiiyay qiimaha xiddiga si uu ugu biiro Man United.

Si kasta ha ahaatee Man United ayaa ku dhibaatoonaysa in ay iska iibiso xiddiga Aaron Wan-Bissaka si ay u dhamaystirto saxiixa Noussair Mazraoui.

Man United ayaan dhamaystiri karin saxiixa xiddiga Noussair Mazraoui ilaa ay iska iibiso xiddiga reer England ee Aaron Wan-Bissaka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here