Home Suuqa Kala iibsiga Man United Oo War Xun Ka Heshay Baacsiga Ay Ugu Jirto Matthijs...

Man United Oo War Xun Ka Heshay Baacsiga Ay Ugu Jirto Matthijs de Ligt

0

Manchester United ayaa xiiso dhab ah u muujisay adeega daafaca reer Holland ee Matthijs de Ligt, xiddiga Bayern Munich, laakiin waxa ay u muuqataa in heshiiska uu u muuqdo mid aan la gaadhi karin.

Maamulka United ayaa doonaya in ay la soo saxiixdaan daafac cusub ka hor bilowga xilli ciyaareedka cusub, gaar ahaan dhaawaca soo gaaray xiddiga cusub ee Lenny yoro kaas oo garoomada ka maqnaan doona ugu yaraan 3 bilood.

Warbixin ay daabacday jariiradda Mirror ee ka soo baxda Ingiriiska ayaa tilmaamtay in maamulka Bayern Munich ay doonayaan inay sii heystaan ​​De Ligt ka dib markii ay ka tageen fikradda ah inay la soo wareegaan daafaca rug cadaa Jonathan Tah, xiddiga Leverkusen.

Wargayska ayaa sheegay in maamulka kooxda Bavaria ay doorteen in ayna sii wadin tartanka loogu jiro saxiixa Tah sababta oo ah waxa ay ku qanci waayeen suurtagalnimada heshiiska.

Xilliga soo socda ayaa ka jawaabi doona su’aasha ku saabsan masiirka De Ligt, iyo haddii Bavaria ay ugu dambeyntii go’aansan doonaan inay iibiyaan sidii hore loo qorsheeyay ama ay sii haysan doonaan xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here