Home Suuqa Kala iibsiga Man United oo xalay soo bandhigtay Matthijs de Ligt iyo Noussair Mazraoui

Man United oo xalay soo bandhigtay Matthijs de Ligt iyo Noussair Mazraoui

0
Man United ayaa xalay soo bandhigtay Matthijs de Ligt iyo Noussair Mazraoui, kuwaasi oo ay kala soo wareegeen kooxda reer Jarmal ee Bayern Munich.

United ayaa labada xiddig waxay siisay Lambaro kooxda macno weyn ugu fadhiya sidoo kalana labada ciyaaryahan uu taariikh u yahay.

Daafacii hore ee Ajax iyo Bayern ayaa xidhan doona lambarka 3-aad ee kooxdiisa cusub, kaasoo rag caan ah u xidhten United sanadihii lasoo dhaafay.

Waxaa usoo xidhtay xiddigo ay ka mid yihiin, daafacii bidix ee England, Tony Dunne iyo Arthur Albiston waxay ahaayeen kuwo xidhna lambarkan muddo dheer, halka Denis Irwin uu ahaa ciyaaryahankii ugu horreeyay ee xidhta lambarka 3-aad markii  Premier League uu amray lambarrada kooxda ee 1993/ 94.

 halka Eric Bailly uu ahaa ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee xidhta lambarka 3aad.

Tiradaas ayaa iska cad inay macno gaar ah leedahay, maadaama uu Mazraoui soo xidhtay lamarkan kulankiisii ​​ugu horreeyay ee Ajax xilli ciyaareedkii 2017/18.

Matthijs de Ligt ayaa isagana kooxda Manchester United u xidhan doona maaliyada No 4.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Holland ayaa ogolaaday inuu Reds kaga soo biiro Bayern Munich , isagoo noqday saxiixii seddexaad ee kooxda ee suuqa kala iibsiga xagaaga 2024.

Waxa uu caan ku noqday markii uu yaraa magaalada Amsterdam, isagoo 17 jir ah ayuu ciyaaray finalka UEFA Europa League.

Laba sano ka dib, wuxuu u dhaqaaqay Juventus, isagoo kula guuleystay Serie A xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horreeyay.

2022, wuxuu u dhaqaaqay Bayern Munich, isagoo mar kale ku guuleystay horyaalka sannadkiisii ​​ugu horreeyay.

Haatana wuxuu bog cusub uu ka bilaabi raba Old Trafford.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here