Home Warka Xiisaha Leh Man United Oo Xiddig Kale Oo Aan Osimahen Ahayn Ka Doonaysa Napoli

Man United Oo Xiddig Kale Oo Aan Osimahen Ahayn Ka Doonaysa Napoli

0
Ad

Manchester United ayaa la filayaa inay suuqa xagaaga weerar ku qaado kooxda horyaalka Talyaaniga wacdaraha ka dhigaysa ee Napoli iyadoo ka doonaysa mashiinka goolasha ee Victor Osimahen.

Laakiin sida ay warar cusubi sheegayaan, gool-dhaliyaha ree Nigeria ayaan ahayn midka kaliya ee ay Red Devils ka doonayaan.

Ad

Man United ayaa kooxda tababare Luciano Spalletti sidoo kale ka xiisaynaysa daafaca dhexe Kim Min Jae oo kamida kuwa booskiisa haatan ugu wanaagsan Yurub.

Walow ay Raphael Varane iyo Lisandro Martinez kalsooni ka samaysteen tababare Erik Ten Hag haddana saxeexa Kim Min Jae ayaa lagu sifeeyay mid kooxda riyo noqon kara.

Dhawaan ayay ahayd markii macalinka Napoli uu xiddiga South Korean-ka ah ku sifeeyay daafaca dhexe ee ugu wanaagsan Yurub.

Sida ay wararka qaar sheegayaan, Kim Min Jae ayaa wakhti kooban oo kamida suuqa xagaaga heshiiskiisa Napoli lagu jabin doonaa 42 Milyan oo pound waana wakhti ay kooxaha Yurub ka faa’idaysan doonaan.

Previous articleWararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Axad Ah 19-ka Maarso
Next articleMartin Odegaard oo tilmaamay xiddigaha kooxdiisa qaybta ka ah ee sida gaarka ah muhiimada weyn ugu leh inay ku guuleystaan horyaalka Premier League

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here