Manchester United ayaa isku diyaarinaysa inay dalab ka gudbiso weeraryahanka Benfica Goncalo Ramos.
The Sun ayaa sheegtay in United ay mar hore xiriir la sameysay wakiilada weeraryahanka.
21 jirkaan ayaa dhaliyay sideed gool 12 kulan oo uu u saftay kooxda reer Portugal ilaa haatan xilli ciyaareedkan.
Waxaa la rumeysan yahay in United ay raadin doonto weeraryahan, iyadoo Cristiano Ronaldo uu weli doonayo inuu ka tago kooxda, halka Marcus Rashford iyo Anthony Martial ay dhaawac yihiin.
Newcastle ayaa isha ku haysay Ramos suuqii xagaaga iyada oo kooxda Eddie Howe ay raadinaysay weeraryahan, laakiin waxay bedelkeeda Alexander Isak kula soo wareegtay 63 milyan ginni.