Man Utd oo lala xiriirinayo ciyaaryahanka khadka dhexe ee AC Milan Ismael Bennacer

Manchester United ayaa lala xiriirinayaa ciyaaryahanka khadka dhexe ee AC Milan Ismael Bennacer.

Ilaha warbaahinta Algeria ayaa sheegaya in ciyaaryahanku uusan ku faraxsanayn inuu boos ka helo line-upka Milan ee Frank Kessie iyo Sandro Tonali .

Saraakiisha Old Trafford ayaa loo maleynayaa inay dhigooda Milan kala hadleen arrimaha ku saabsan Bennacer.

Milan ayaa ku dooneysa Bennacer 43 milyan ginni laakiin waxaa laga yaabaa inay ku qaadato wax ka yar maadaama uu heysto hal sano oo uu qandaraaskiisa ku sii socdo.

Bennacer ayaa kamid ahaa kooxdii hore ee dhalinyarada Arsenal .

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*