Man Utd oo u dhaqaaqi doonta De Jong ka dib markii ay wada sheekaysteen Ten Hag

Manchester United ayaa samaynaysa dadaalkii ugu danbeeyay ee ay ku doonaysay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Frenkie de Jong .

United ayaa isku dayaysa inay lasoo wareegto ciyaaryahankii hore ee Real Madrid Casemiro.

De Jong ayaa iska caabiyay dhammaan dalabyadii uga yimid United xagaagan, inkastoo dalab ay aqbashay Barca.

De Telegraaf ayaa sheegay in maamulaha United Erik ten Hag uu wadahadalo kale la yeeshay De Jong wuxuuna ku qanciyay guddiga inay kor u qaadaan qandaraaska ay u soo bandhigeen ciyaaryahanka khadka dhexe.

De Jong ayaa ku soo bilowday guushii Axadii ee Real Sociedad , inkastoo uu ka ciyaarayay meel ka baxsan booskiisa

Saraakiisha United ayaa la filayaa in ay maanta tagaan Barcelona si ay ugu qanciyaan De Jong in uu dhaqaaqo.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*