Man Utd oo u weecatay daafaca Lille Sven Botman

Manchester United ayaa ku biiraysa xiisaha daafaca Lille Sven Botman .

United ayaa ka fiirsaneysa inay xagaaga lasoo wareegto daafaca dhexe ee Botman, sida laga soo xigtay Insider Football .

Daafaca Lille ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo AC Milan , laakiin wararka ayaa haatan sheegaya in Red Devils laga yaabo inay kooxda reer Talyaani ku garaacdo 22 jirkaan.

Erik ten Hag ayaa durba bilaabay inuu madaxda United kala hadlo bartilmaameedyada suuqa kala iibsiga, waxaana lagu soo waramayaa inuu mudnaanta koowaad siiyay qeybta dhexe ee garabka bidix.

Botman ayaa abaal-marinno badan kasbaday labadii xilli ciyaareed ee uu ku sugnaa Stade Pierre Mauroy, waxaana si weyn loola xiriirinayay labada kooxood ee Newcastle iyo Tottenham intii lagu jiray suuqii January.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Holland ayaa seddex sanno ka hartay qandaraaskiisa kooxda Ligue 1 .

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*