Man Utd ayaa wadahadalo la yeelatay tababarihii hore ee Barcelona Xavi iyada oo uu cadaadis saaranyahay tababaraha Man United ee Erik Ten Hag kaas oo laga yaabo in la caydhiyo sida ay sheegayaan wararku.
Red Devils ayaa si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub ee Premier League iyada oo kooxda Ten Hag ay haatan ku jirto kaalinta 12-aad ka dib sideed kulan oo ay ciyaartay.
Man Utd ayaa badisay kaliya seddex ka mid ah 8-dii kulan ee ay ciyaartay taas oo cadaadis saartay tababaraha reer Netherlands.
Kooxda Ten Hag ayaa badisay kulankoodii ugu horreeyay ee soo laabashada ka dib fasaxa caalamiga ah iyagoo 2-1 kaga badiyay Brentford sabtidii, taasoo wax yar ka yareysay cadaadiska.
Laakiin haatan Daily Mail ayaa sheegeysa in madaxda Man Utd ay wadahadalo la yeesheen tababarihii hore ee Barcelona Xavi iyagoo isku diyaarinaya bedelka Ten Hag.