Home Horyaalka Ingiriiska Manchester City oo garaacday West ham United iyadoo 13 Dhibcood ku qabtay...

Manchester City oo garaacday West ham United iyadoo 13 Dhibcood ku qabtay Horyaalka

0

inkastoo kulan u harsanyahay kooxda Manchester United hadana City ayaa 13 dhibcood ku qabatay hogaanka horyaalka kadib guul ay ka gaareen kooxda West ham United kulan lagu ciyaaray garoonka Etihad Stadium.

Qeybta hore daqiiqadii 30-aad ayay City hogaanka ciyaarta qatabay kadib markii Xidiga Ruben Dias uu shabaqa ku hubsaday gool qurux badan lakin kooxda West ham United ayaa heshay goolka bar.-baraha qeybta hore oo ka dhiman 2-daqiiqo waxana goolkaasi u dhaliyay Michail Antonio iyadoo lagu kala nastay 1-1.

Mancheste City ayaana sameesay dadaal dheeri ah qeybta labaad markii leesku soo laabtay iyadoo mar kale hogaanka ciyaarta qabtay daqiiqadii 68-aad kadib markii xidiga John Stones uu shabaqa ku hubsaday kubad banaanka loo soo dhigay oo ka timid Riyad Mahrez ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 2 – 1.

Kooxda Man City ayaana hada hogaanka horyaalka ku heysa 13 dhibcood waxana ay leedahay 62 dhibcood halka United oo ku soo xigta ay leedahay 49 dhibcood.

Maxaa Xiga

Manchester City ayaa kulankeeda xiga la ciyaaridoonta kooxda Wolves talaadada 2 maarso.

 

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here