Manchester City 1-0 Chelsea:: De Bruyne oo Manchester City ka caawiyay inay Garaacdo Blues

Kevin De Bruyne ayaa dhaliyay gool aad u qurux badan iyadoo Manchester City ay 13 dhibcood ku sii dheeraysatay hogaanka Premier League kadib markii ay 1-0 kaga badisay Chelsea oo kaalinta labaad ku jirta.

Ciyaar aad u adag oo ka dhacday Etihad Stadium ayaa isbadal ku dhacay ka dib markii uu De Bruyne uu goolka guusha dhaliyay iyadoo 20 Daqiiqo ka harsantahay.

Chelsea ayaan wax badan sameynin balse Romelu Lukaku iyo Hakim Ziyech ayaa si gaar ah ugu qasaariyay weeraro rogaal celis ah.

Kooxda Pep Guardiola ee City ayaa haatan badisay 12 kulan oo horyaalka ah wayna adagtahay in la arko koox ka hor istaagta hanashada horyaalka ee bisha May.

Fursadii ugu fiicneyd ee ay heleen kooxda martida loo ahaa ayaa timid 45-kii daqiiqo ciyaarta oo socota kubad ka timid Jack Grealish waxaa lugta bidix ku badbaadiyay Kepa Arrizabalaga.

Manchester City ayay guushu ku raacday 1-0, waana isla natiijadii ay labada kooxood kusoo kala baxeen kulankoodii Stamford Bridge ee horraantii xilli ciyaareedka ee ay Man City kusoo heshay saddexda dhibcood.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*