
Manchester City ayaa guul weyn ka gaartay kooxda Wolves kulan ka tirsan Horyaalka Premier league-ga oo ku soo dhamaaday 3-0.
Haaland oo dhaliyay Saddexley kulankan ayaa ka caawiyay kooxdiisa Guusha kulankan taasi oo ka caawisay inay ku soo dhawaadan hogaamiyaasha horyaalka ee Arsenal.
Xidiga Reer Norway oo dhaliyay Saddexleydiisa Afaraad ayaa durba maraya 25 Gool mana jiro xidig ku soo dhow.
Goolkiisa hore ayaa yimid qeybta hore Daqiiqadii 40aad halka labada gool ee kale oo mid Rigoore ahaa uu Raacsaday qeybta labaad.
Natiijo ahaan City ayaa 2 dhibcood u soo jirta kooxda Arsenal oo goor dhow la ciyaareysa kooxda Manchester United oo dhankeeda ku jirta waqti feecan.
Maxaa Xiga
Kooxda Manchester City ayaa kulankeeda xiga la ciyaareysa kooxda Arsenal maalinta jimcaha waana FA Cup-ka
Be the first to comment