Manchester City 3-2 Aston Villa: City oo qaaday Horyaalka Premier League-ga

Manchester City ayaa dib u soo celisay dagaal cajiib ah oo ay 3-2 ku garaacday Aston Villa waxayna la wareegtay horyaalka Premier League iyada oo kooxda Pep Guardiola noqotay Champions Sanadkan.

Goolal ay Villa u dhaliyeen Matty Cash iyo Philippe Coutinho ayaa hogaanka looga hayay Man City ilaa iyo daqiiqadii 76aad laakiin shan daqiiqo gudaheed ayay soo laabasho cajiib ah sameeyeen iyagoo seddex gool ku dhaliyay. Waxay uga mahadcelinayaan labo gool uu dhaliyay Ilkay Gundogan iyo gool uu saxiixay Rodri.

Man City ayaa hal dhibic horyaalka uga qaaday Liverpool, waa horyaalkii afaraad ee uu Pep Guardiola kula guuleysto Manchester City.

Dhanka kale Liverpool ayaa maalintii ugu danbaysay ee xili ciyaareedkan loo diiday in ay ku guulaysato koobka Premier Leaque-ga inkasta oo ay guuldaro 3-1 ah ka gaadhay kooxda Wolves kulan ka dhacay Anfield.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*