Manchester City 4-0 Bournemouth: De Bruyne oo ku hogaamiyay kooxda heysata horyaalka inay si sahlan ku badiso

Kevin De Bruyne ayaa xadhkaha u jiiday Manchester City  kulan ka tirsan Premier League isagoo kooxda heysata horyaalka ku hogaamiyay inay 4-0 kaga badiyaan Bournemouth.

Saddex gool oo qaybtii hore ay u dhaliyeen Ilkay Gundogan, Daqiiqadii  19aad Kevin de Bruyne daqiiqadii 31aax iyo Phil Foden Daqiiqadii 37aad ayaa Manchester City waqti horeba gacanta u geliyey guusha, iyadoo qaybtii laabaadna ay ku dareen gool uu si qaldan iskaga dhaliyey Jefferson Lerma ciyaarta oo socota 79 daqiiqo difaaca uga ciyaarayey Bournemouth.

Kooxda tababare Pep Guardiola ayaa haysa hoggaanka horyaalka Premier League, waxaanay haysataa lix dhibcood iyo lix gool oo ay ka urursadeen laba ciyaarood oo ay dheeleen, iyadoo aan wali shabaqooda la taaban, halka Arsenal oo ay dhibcaha ka midaysan yihiin ay kaga horreeyaan farqiga goolasha.

City ayaa u safri doonta Newcastle United 21ka Ogosto, halka Bournemouth ay martigelin doonto Arsenal maalin ka hor.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*