Home Wararka Ciyaaraha Manchester City 4-2 Tottenham: Mahrez oo qeybtii labaad ee ciyaarta si cajiib...

Manchester City 4-2 Tottenham: Mahrez oo qeybtii labaad ee ciyaarta si cajiib ah u Caawiyay kooxdiisa

0

Riyad Mahrez ayaa laba gool dhaliyay iyada oo Manchester City ay samaysay dagaal cajiib ah si ay u soo noolayso rajadeeda horyaalka kadib markii ay 4-2 ku garaacday Tottenham.

Kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa gilgishay markii Spurs ay labo gool ku hormartay Dejan Kulusevski iyo Emerson Royal dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta ka dib markii Ederson uu qalad ku galay Etihad Stadium.

Iyadoo ay weli wajahayaan rajo ah inay 8 dhibcood ka dambeeyaan kooxda hogaanka heysa ee Arsenal, islamarkaana ay ciyaareen kulan ka badan, kooxda Pep Guardiola ayaa is badal sameesay kadib nasashada.

Julian Alvarez ayaa gool dib u soo celiyay halka Erling Haaland, uu dhaliyay goolkiisii ​​​​ugu horreeyay ee afar ciyaarood, ka hor inta uusan Mahrez ku guuleysan labo gool.

Isbadalkan ayaa City ka hor istaagay in ay u dhaadhacdo guuldaradii 3-aad oo xiriir ah tartamada oo dhan.

Natiijada ayaa ka dhigan inay Manchester City ay 5 Dhibcood ka danbeyso kooxda Arsenal oo heysa Hogaanka Horyaalka.

Previous articleWarar laga Helayo Heshiiska Arsenal ay la gaartay Xidiga Leandro Trossard
Next articleVillarreal 2-3 Real Madrid: Los Blancos oo Sameesay soo laabasho Cajiib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here