Home Horyaalka Ingiriiska Manchester City ayaa bartilmaameedsaneysa seddex saxiix oo cusub xagaagan.

Manchester City ayaa bartilmaameedsaneysa seddex saxiix oo cusub xagaagan.

0

Hogaamiyaasha Premier League Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay sameyn karto seddex saxiix oo cusub inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Kooxda Pep Guardiola ayaa hogaamineysay horyaalka Ingariiska bilihii la soo dhaafay, taasoo ka dhigtay inay 14 dhibcood ka sareyso kooxda ugu dhow ee Manchester United.

Isku soo wada duuboo, kooxda ka dhisan Woqooyi-Galbeed ayaa isku dubariday 21 kulan oo isku xigta oo guulo ah.

Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay The Mirror , Macalin reer Spain ayaa la siin doonaa lacag uu ku sameeyo waxyaabo dheeraad ah ka hor ololaha 2021-22.

Warbixinta ayaa sheeganeysa in City ay raadineyso inay lasoo saxiixato wajiyo cusub oo ka ciyaara daafaca bidix, khadka dhexe iyo weerarka, iyadoo la keeni doono bedelka Sergio Aguero .

Inkasta oo uu Guardiola horayba u qiray in Eric Garcia uu u saxiixi doono kooxda Barcelona, hadana City ayaa si fiican uga heshay xulashooyin ka ciyaara daafaca dhexe.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here