Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay u dhaqaaqeyso Weeraryahanka Romelu Lukaku marka uu furmo suuqa kala iibsiga.
City ayaa la filayaa inay suuqa ka raadiso weeraryahan cusub lixda bilood ee soo socota ama si ay isugu diyaariyaan bedelka Sergio Aguero , kaasoo si xor ah uga tagi kara xagaaga soo socda.
Sida laga soo xigtay The Telegraph , kooxda Pep Guardiola ayaa u aragtay Lukaku mid macquul ah laakiin Inter ayaa u sheegtay inay ku qaadaneyso dalab ku dhow 94m si ay ula soo saxiixato.
Xiddiga reer Belguim ayaa kooxda Antonio Conte kaga soo biiray kooxda Man United sanadkii 2019 waxana uu ku jiray qaab ciyaareed aad u fiican tan iyo markii uu yimid Italy isaga oo dhaliyay 43 gool 60 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.
Darwin Nunez oo Benfica ka tirsan ayaa hada la sheegayaa inuu bartilmaameed u noqday City