Manchester City iyo Leeds United oo Heshiis ka gaaray Sharuudo uu qeyb ka yahay Kalvin Phillips

Manchester City iyo Leeds United ayaa heshiis ka gaaray sharuudaha qaar ee u dhaxeeya labada koox.

City ayaa heshiis 45 milyan ginni ah la gaartay Leeds ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Kalvin Phillips .

Kooxda ayaa 26 jirkaan ku bixin doonta 42 milyan ginni oo ay ku heli karaan gunooyin gaaraya 3 milyan ginni.

Heshiis gaar ah, ciyaaryahanka khadka dhexe ee Darko Gyabi ayaa ka tagi doona akadeemiga City oo uu ugu biiri doonaa Leeds 5 milyan ginni.

City ayaa Phillips ka dhigtay bartilmaameedkooda koowaad ee suuqa kala iibsiga xagaaga, iyadoo Fernandinho uu ka tagay xagaagan ka dib sagaal sano oo uu kooxda la joogay.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England Phillips ayaa ku jiray akadeemiga Leeds, waxaana uu u saftay 214 kulan tan iyo markii uu saftay kulankiisii ​​​​ugu horeysay ee 2015.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*