Manchester City iyo Liverpool oo ku dagaalamaya saxiixa Giorgio Scalvini

Manchester City iyo Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay ku dagaalamayaan saxiixa daafaca Atalanta BC Giorgio Scalvini .

18-sano jirkaan ayaa u saftay 32 kulan kooxda Atalanta, halkaasoo uu sidoo kale labo gool dhaliyay, halka uu kulankiisii ​​ugu horeysay u saftay Italy ciyaar ka tirsaneyd UEFA Nations League oo ay guuldarro kala kulmeen Germany bishii June.

Scalvini ayaa tan iyo markaas ka soo muuqday kulamadii saaxiibtinimo ee Albania iyo Austria, waxaana horumarkiisa uu soo jiitay indhaha kooxo badan oo Yurub ah.

Tottenham Hotspur ayaa markii hore la rumeysan yahay inay xiiseyneyso wiilkaan, laakiin sida laga soo xigtay Manchester Evening News , Manchester City iyo Liverpool ayaa sidoo kale soo galay tartanka.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Juventus ay sidoo kale dooneyso inay lasoo saxiixato ciyaaryahanka boosaska badan, kaasoo ku raaxaysta ka ciyaarista daafaca dhexe ama khadka dhexe ee daafaca.

Scalvini ayaa kooxdiisa ka caawiyay in ay shabaqeeda ilaashato shan kulan 11 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan halka uu dhaliyay goolkii guusha kulankii ay 1/0 uga badiyeen Roma bishii September.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*