Manchester City iyo Manchester United oo labaduba wadahadalo kula jira Gabriel Veron

Manchester City iyo Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ku wajahan yihiin saxiixa da ‘yarka Palmeiras Gabriel Veron .

18 jirkaan ayaa dhaliyay 11 Gool, waxaana uu diiwaangaliyay shan caawin 36 kulan oo uu u saftay kooxdiisa reer Brazil, taasoo la rumeysan yahay inay soo jiidatay indhaha kooxo badan oo reer yurub ah.

Barcelona ayaa si xoogan loola xiriirinayay weeraryahanka, laakiin sida laga soo xigtay Sport , City iyo United ayaa hogaaminaya loolanka loogu jiro saxiixa Veron.

Warbixinta ayaa sheegeysa in labada Manchester ay wadahadalo kula jiraan wakiillada da ‘yarkaan iyagoo rajeynaya inay heshiis shaqsi ah la gaaraan.

City iyo United ayaa lagu soo waramayaa inay labaduba u diyaar garoobeen Veron inuu xilli ciyaareedka ku dhameysto Palmeiras ka hor inta uusan u dhaqaaqin Premier League intii lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaagan.

Campeao do Seculo waxay ku jiraan boos adag marka laga hadlayo mustaqbalka da ‘yarta maadaama ay heystaan ​​qandaraas ilaa Sebtember 2025 iyadoo qandaraaskiisa lagu burburin karo € 60m (£ 53m).

Veron wuxuu ku guuleystay Kubadda Dahabka Koobka Adduunka ee U-17 ee 2019 maadaama uu ka caawiyay Brazil inay kor u qaado koobka.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*