Home Horyaalka Ingiriiska Manchester City oo 3-0 ku garaacday Tottenham Xili Ilkay Gundogan uu dhaliyay...

Manchester City oo 3-0 ku garaacday Tottenham Xili Ilkay Gundogan uu dhaliyay labo gool

0

Kooxda Manchester City ayaa caawa dheereesatay Hogaanka horyaalka iyadoo Tottenham ku garaacday 3 iyo 0 kulan ka tirsan Horyaalka ingariiska oo lagu ciyaaray garoonka Etihad Stadium.

labo kamid ah Goolashada Manchester City ee kulankan waxaa ka caawiyay Ilkay Gundogan Daqiiqadihii 50-aad iyo 66-aad ee ciyaarta halka goolka halka goolka saddexaad oo rigoore ahaa uu qeybta hore u dhaliyay Rodri.

Manchester City ayaa hogaanka ku heysa 53 dhibcood waxana ay 8 dhibcood ka sareeyeen kooxda Manchester United oo leh 45 dhibcood kuwaasi oo aan wali ciyaarin kulankeeda City ayaana wali kulan u sii harsanyahay.

Maxaa Xiga

Kooxda Manchester City ayaa kulankeeda xiga waxay booqandoontaa kooxda  Everton isla  Horyaalka Premier League maalinta habeenka Arbacada Halka Tottenham oo ku jirta mid kamid ah waqtigii ugu adkaa ay booqandooto Wolfsberg koobka Europe League.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here