Home Wararka Ciyaaraha Maanta Manchester City oo 4-1 uga badisay Liverpool siina dheereesatay Hogaanka Horyaalka Premier...

Manchester City oo 4-1 uga badisay Liverpool siina dheereesatay Hogaanka Horyaalka Premier league

0

Kooxda Manchester City ayaa ka badisay Kooxda Liverpool kulan ka tirsan Horyaalka Premier oo ku dhamaaday 4-1.

Goolasha Manchester City ee Kulankan waxaa ka Saaciday Ilkay Gundogan oo dhaliyay Labo Gool Daqiiqadihii 49 aad iyo 73 ee Ciyaarta iyo labo Gool ay ku dareen Raheem Sterling iyo Phil Foden Daqiiqadii 76 aad, 83 aad ee ciyaarta halka Goolka Liverpool uu u dhaliyay Salah kaasi oo rigoore ahaa.

Guusha Manchester City ee Kulankan ayaa ka caawineysa in ay 5 dhibcood ku qabtaan Hogaanka Horyaalka iyagoo leh 50 dhibcood halka Liverpool ay leedahay 40 dhibcood.

Maxaa Xiga

Manchester City ayaa Kulankeeda xiga la ciyaaridoonta Kooxda Swansea City kulan ka tirsan FA-CUP-KA Halka Liverpool ay la ciyaareyso Leicester City Premier league.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here