Manchester City oo 4-2 kaga badisay kooxda Crystal Palace, Haaland oo Saddexley dhaliyay kulankan

Erling Haaland ayaa saddexley dhaliyay iyada oo Manchester City ay kaga soo dagaalantay 2-0 waqtigii nasashada si ay saddex dhibcood uga qaadato kooxda Crystal Palace.

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa si ku meelgaadh ah ula wareegtay hoggaanka horyaalka Premier League, kaddib markii ay guul soo laabasho ah ka gaadhay Crystal Palace oo laba gool kagala hormartay Etihad Stadium balse ay saddex gool ugu baddaleen kulan kusoo dhamaaday 4-2.

Man City ayaa lagaga naxsaday laba gool oo degdeg ahaa oo Crystal Palace ay 20kii daqiiqadood ee ugu horreeyey ciyaarta kaga dhalisay, iyadoo mid kale oo ay dhaliyeenna laga diiday, hase yeeshee saddex gool oo 20 daqiiqadood oo qaybtii labaad ah ay ku dhalisay ayaa guul uu Pep Guardiola si aad ah ugu dabbaal-degay ku hoggaamiyey Manchester City.

Saddex gool oo uu dhaliyey Erling Haaland oo la wareegay gool-dhalinta horyaalka Premier League iyo mid uu ku daray Bernardo Silva oo aftaxa lahaa ayaa City siiyey saddexda dhibcood, halka labadii gool ee qaybta hore ee Crystal Palace ay meesha ka baxeen.

Manchester City ayaa heshay fursado kale oo ay natiijada ciyaarta kusii kordhisan karaysay, hase yeeshee waxay ciyaartu kusoo dhamaatay 4-2 ay guushu ku raacday City oo si ku-meelgaadh ah ula wareegtay hoggaanka horyaalka Premier League, iyadoo yeelatay 10 dhibcood, waxaase miiska kala-sarraynta isbeddel ku samayn karaysa Arsenal oo haddii ay guuleysato caawa mar kale laba dhibcood dhaafi doonta City.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*