Home Suuqa Kala iibsiga Manchester City oo bartilmaameedsatay goolhayaha Talyaaniga Gianluigi Donnarumma

Manchester City oo bartilmaameedsatay goolhayaha Talyaaniga Gianluigi Donnarumma

0

Manchester City ayaa laga yaabaa inay bartilmaameedsato goolhayaha Talyaaniga Gianluigi Donnarumma sida ay sheegayaan wararka, iyadoo aan la hubin mustaqbalka Ederson.

Yaab ayaa u shidan Pep iyo kooxdiisa City xagaagan, garabka Brazil ee Savio ayaa ah saxiixa keliya ee ilaa iyo haatan ay sameeyen.

Pep Guardiola wiilashiisa waxay hadda ku sugan yihiin Ameerika safarkooda isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub iyagoo sii wada diyaargarowga ololaha cusub, laakin waxay raadinayaan goolhaye cusub.

Ederson, oo Manchester City kaga soo biiray kooxda reer Portugal ee Benfica sanadkii 2017 ayaa qandaraaskiisu dhacayaa 2026, waxaana si xoogan loola xiriirinayaa inuu u dhaqaaqayo Saudi Pro League.

Brazilian-ka ayaa heshiis la gaaray Al-Nassr , balse Al-Itixaad ayaa la sheegay in ay wadahadallo kula jiraan 30 jirkan oo la rumeysan yahay inuu weli aad u daneynayo inuu u wareego Sacuudiga.

Heshiiska waa mid adag, waxaana la rumeysan yahay in City ay ku raadineyso 50 milyan ilaa 60 milyan oo euro goolhayaha ku guuleystay lix horyaal oo Premier League ah.

Goolhayaha heerka caalami ee dalka Talyaaniga ayaa si xor ah ugu biiray kooxda reer France ee AC Milan sanadkii 2021, waxaana uu u saftay 114 kulan, isagoo kula guuleystay seddex horyaal oo Ligue 1 ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here