Manchester City oo dadaal ugu jirta Heshiiska Cusub ee Riyad Mahrez.

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso inay heshiis waqti dheer ah ka saxiixato kubadsameeyaha Riyad Mahrez .

30-sano jirkaan ayaa kaliya seddex kulan ku soo bilowday Premier League xilli ciyaareedkan, xiddiga heerka caalami ee dalka Algeria ayaa ku soo bilowday mid kasta oo ka mid ah shantii kulan ee City ee Champions League.

Guud ahaan Mahrez waxa uu ka qayb qaatay sideed gool 17 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan,waxana ay u muuqataa in Pep Guardiola uu doonayo in aanu ciyaartoygu ku fikirin ka tagista Etihad Stadium.

Sida laga soo xigtay The Sun , mas’uuliyiinta City ayaa doonaya in ay gaaraan gabagabo wanaagsan oo ku saabsan wadahadalada qandaraaska dhamaadka sanadka.

Isagoo dhawaan heshiis cusub la gaaray ciyaartoy badan oo waa weyn, warbixintu waxay soo jeedinaysaa in Mahrez uu hadda ku xiga liiska mudnaantooda.

Inkastoo ay jirto rajo ah inuu dalabyo badan ka helayo meelo kale, waxaa la soo jeediyay in Mahrez uu ku faraxsan yahay Manchester uuna doonayo inuu sii joogo kooxda.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*