Home Horyaalka Ingiriiska Manchester City oo dheereesatay hogaanka Horyaalka kadib guul ay ka gaartay Everton

Manchester City oo dheereesatay hogaanka Horyaalka kadib guul ay ka gaartay Everton

0

Kooxda Manchester City ayaa mar kale fariin adag u dirtay kooxaha uu ku jiro damaca horyaalka Premier League kadib markii ay garaacday kooxda Everton oo cashiro u dhigtay badi kooxaha waaweyn iyadoo ku garaacday 1-3.

xidiga Phil Foden ayaana Manchester city u dhiibay hogaanka ciyaarta daqiiqadii 32-aad ka hor inta uusan ka barbareyn Richarlison daqiiqadii 37-aad ee ciyaarta qeybta hore ayaana lagu kala nastay.

Qeybta danbe City ayaa mark kale hogaanka u qabatay daqiiqadii 63-aad waxana goolkaasi dhaliyay Riyad Mahrez ka hor inta uusan goolka sadexaad dhalin Bernardo Silva daqiiqadii 77-aad ee ciyaarta guud ahaan kulanka ayaan ku soo dhamaaday 1-3.

guusha manchester City ayaana ka dhigan in ay hogaanka horyaalka ku qabato 10 dhibcood oo nadiif ah iyadoo leh 56 dhibcood waxana ku soo xigta Manchester United oo leh 46 dhibcood.

Maxaa Xiga

Kooxda Manchester city ayaa kulankeeda xiga la ciyaaridoonta kooxda Arsenal horyaalka Maalina Axada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here