Manchester City oo dooneysa inay dib ula soo saxiixato Douglas Luiz

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay dib ula soo saxiixato Douglas Luiz oo ka socda Aston Villa .

22 jirkaan ayaa qandaraas laga siiyay City intii u dhaxeysay 2017 iyo 2019 laakiin ma uusan sameynin hal kulan oo kooxda koowaad ah, isagoo waqti amaah kula qaatay Girona, ka hor inta uusan si rasmi ah ugu biirin Villa.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigaya kooxda Dean Smith xilli ciyaareedkan, isagoo gacan ka geystay labo caawin 16 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan, waxaana uu ciyaaray 90 daqiiqo oo buuxda kulankii ay kooxdiisa haatan guuldarrada 2-0 ka soo gaartay Citizens ee ka dhacday Etihad Stadium. Habeen Arbaco ah.

Sida laga soo xigtay The Athletic , City ayaa haatan ka fiirsaneysa dookhyadooda marka ay timaado ciyaaryahanka khadka dhexe madaama kooxda Pep Guardiola ay heysato dookh ay dib ugu iibsan karto, oo ay xagaagan dhaqaajiso.

Luiz ayaa haatan ciyaaray 51 kulan oo Premier League ah, isagoo ka qeyb qaatay seddex gool iyo seddex caawin, halka uu seegay kaliya hal kulan oo horyaalka ah oo Villa ah xilli ciyaareedkii 2020-21.

Heshiiska xidigan koonfurta Ameerika ee Villa Park ayaa dhacaya ilaa June 2023.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*