Manchester City oo furi doonta wadahadalada Erling Braut Haaland usbuuca soo socda

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay sare u qaaday dadaalkeeda ku aadan saxiixa weeraryahanka Borussia Dortmund Erling Braut Haaland inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

21-sano jirkaan ayaa qandaraaskiisa lagu burburin karaa 64 milyan ginni, kaasoo si rasmi ah u shaqeyn doona dhamaadka xilli ciyaareedkan, taasoo keentay in si weyn loo hadal hayo mustaqbalkiisa.

Kooxo badan oo Yurub ah ayaa la filayaa inay si rasmi ah ula xiriiraan xiddiga heerka caalami ee dalka Norway, oo ay ku jiraan Real Madrid , Barcelona iyo Paris Saint-Germain .

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Sports Illustrated , City waxay ku talo jirtaa inay la tartanto dalab kasta waxayna horey u diyaarisay wadahadalo ay la yeelato wakiilada Haaland.

Warbixintu waxay sheegeysa in dhinacyada ay khusayso ay tahay inay yeeshaan wadahadal rasmi ah Janaayo 23 iyaga oo eegaya in la go’aamiyo in wareejintu dhici karto ka hor 2022-23.

Marka loo eego dhinaca shakhsi ahaaneed, Haaland ayaa ku raaxaysanaysa xilli ciyaareed kale oo xoogan, isagoo dhaliyay 21 gool 18 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*