Manchester City oo gurigeeda ku garaacday Aston Villa Hogaanka Horyaalkana Qabatay

Kooxda Manchester City ayaa gurigeeda ku garaacday Aston Villa kulan ka tirsan Horyaalka Ingariiska Lugtiisa 18-aad.

Manchester City ayaa qabatay Hogaanka Horyaalka qaab kumeel gaar ah kadib guusha ay caawa gaartay madama united ay ciyaareyso.

Xidiga Macalin Pep ayaana qeybta hore u suura galiweysay in goolal dhalinyeen taasi oo keentay in goolal la’an lagu kala nasto qeybta danbe daqiiqadii 79-aad ay city heshay goolka hore waxana u dhaliyay Bernardo Silva ka hor inta uusan gool rigoore ah dhalin Ilkay Gundogan daqiiqadii 90-aad ee ciyaarta guud ahaan ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 2-0.

Guusha Manchester City ayaana ka dhigan in ay hogaanka horyaalka u qabato si kumeel gaar ah.

Maxaa Xiga

Kooxda Manchester City ayaa kulankeeda xiga la ciyaaridoonta kooxda cheltenham fc kulan qeyb ka ah Koobka FA-cup-ka

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*