Manchester City oo guul ka gaartay Fulham iyo Chelsea oo bar-baro lagu qabtay

Kooxda Manchester City ayaa guul ka gaartay kooxda Fulham kulan ka tirsan Horyaalka Premier league oo lagu ciyaaray garoonka  Craven Cottage kaasi oo ku dhamaaday 0-3.

City ayaa kulankanka qeybta hore helin wax goolal ah kadib ciyaar adag oo ay kala kulantay kooxda Fulham oo kulankeeda ugu danbeeyay guul ka gaartay kooxda Liverpool.

isku imaatinka Qebyta danbe Ayay Manchester City u suura gashay in ay isbadal ku sameyso ciyaarta taasi oo keentay in goolka hore uu u dhaliyo ohn Stones Daqiiqadii 47aad ka hor inta uusan goolka labaad ku darin Gabriel Jesus Daqiiqadii 56aad.

Xidiga Sergio Aguero oo dib ugu soo laabtay kooxda kadib kulamo uu ka maqnaa kooxda ayaa Goolka sadexaad u dhaliyay kooxda kaasi oo ahaa Rigoore.

Guusha manchester City ayaa ka dhigan in hogaanka horyaalka ay ku qabato 17 dhibcood oo nadiif ah inkastoo Man United uu kulan u harsanyahay.

Maxaa Xiga

Man City ayaa kulanka xiga la ciyaaridoonta kooxda Borussia Monchengladbach.

Leeds United 0-0 Chelsea

Dhanka kale kooxda Chelsea ayaa lagu qabtay bar-baro goolal la’an ah kulan ka tirsan Horyaalka Premier League oo ay la ciyaartay kooxda Leeds United ciyaar labada kooxood ay soo bandhigeen kubad caajis  badan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*