Manchester City oo guul ka gaartay PSG iskana Xaadirisay Finalka Champions League

Kooxda Manchester City ayaa iska xaadirisay finalka Champions league kadib markii ay guul ka gaartay Kooxda PSG ee Dalka France ciyaar ka dhacday Garoonka Etihad Stadium oo ku dhamaatay 2-0,

Xidiga Riyad Mahrez ayaana ka caawiyay Manchester City guusha ay ka gaartay kulanka xidigan oo kulankii hore gool ka caawiyay kooxdiisa.

Qeybta Hore Daqiiqadii 10aad ee Ciyaarta ayay Manchester City u suura gashay in ay hogaanka qabato kadib markii kubad banaanka lasoo dhigay kuna dhacday mid kamid ah difaacyada PSG uu dhameestiray Riyad Mahrez, goolkaasi ayaana lagu kala nastay qeybta hore.

Riyad Mahrez oo ahaa xidiga kulankan ayaa goolka labaad ee kulankan dhaliyay daqiiqadii 63aad ee ciyaarta kadib markii uu dhameestiray kubad uu si qurux badan banaanka u soo dhigay Phil Foden.

Kooxda Manchester City ayaa hada iska xaadirisay Finalka Champions league iyagoo hal kulan u jira in ay qaadaan kooban, Kooxda PSG Ayaana guud ahaan iskaga hartay koobka.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*